Latest News

Gudoomiyihii Gudida Doorashooyinka Ee Gobolka Sool Oo La Dilay

Laascaanood, July 31, 2021 (Haatufonline) – Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Komishinka Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdillaahi Laba-Go’le ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in Dablay hubaysan oo aan haybteeda ilaa hada la garan ay dileen gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka ee Gobolka Sool Cabdilaahi Laba-go’le xili uu gurigiisa gelaayey sida ay dad deegaankaa ka ag dhowaa ay qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyeen.
Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee gobolka Sool, inkasta oo la arkayey ciidanka Booliska oo goob kasta taagan iyo dad aad u tiro badan oo isu soo baxay.

Connect with us on Facebook