Latest News

Bas Dad Shicib Ah Siday Oo Miino Ay Alshabaab Aaseen Kula Qarxday deegaanka Mudug

Dhuusamareeb,July 9,221(Haaufonline)-Dad shicib ah oo saarnaa gaari bas ah ayaa ku dhintay qaarna ay ku dhaawacmeen qarax miino ah meel ku dhaw deegaanka Bacaadweyn ee ka tirsan gobolka Mudug.Miinada la kacday baska ayaa waxay ka mid ahayd  miinooyin badan oo ay Shabaab ku aaseen wadooyinka degmadaasi.

Ciidamada Galmudug ayaa todobaadkan weerero balaadhan kusoo qaaday goobo hoosyimaadda degaanadooda oo ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Alshabaab iyadoo ay dagaalo culusi ku dhexmareen jiiddaha Bacaadweyn iyo Wisil oo aakhirkii ay ciidamada Galmudugku guulaysteen in Alshabaab laga sifeeyo.

Hasayeeshee kooxda Alshabaab ayaa si arxandarro ah miinooyinka ugu aasaa wadooyinka uu isticmaalo gaadiidka dadweynuhu taasoo keenta in dad badan oo shicib ahi ay ku nafwaayaan ama ku laxaad beelaan.

Connect with us on Facebook