Latest News

Wasiradda Gaadiidka Ee Itoobiya Oo Sheegtay In Dekadda Barbera Ay Dabooshay Baahidii Ioobiya U Qabtay Dekadaha

Addis Ababa July 8,2021(Haatufonline)-Wasiiradda Gaadiidka ee Dawladda Federaalka Itoobiya marwo Degmawit Moges oo ka hadashay shirj-araayid ayaa sheegtay in dekadda Barbera ee cusubi ay dabooshay baahidi dekadaha ee dalkeedu qabay oo ay Itoobiya waxna kala soo dagi doonto waxna ka dhoofin doonto.

Wasiiradda oo arintan ka hadlaysa ayaa waxa tidhi “Dekadda Berbera ee dalka Somaliland waxay dabooshay bahidi Dekadaha ee u dalkeenu qabay waxanaan si toosa u bilaabnay in aanu wax kala so degno waxna ka dhoofino iyadoo arintani ay kor usii qaadayso xidhidhka ganacsi ee ka dhexeya labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland oo hadda waxa dekeda Berbera ee cusub taagan markab weyn oo u raran ganacsatada dalkeena”

 

Connect with us on Facebook