Latest News

Beesha Caalamka Oo Digniin Kama Dambays U Dirtay Dhinacyada Isku Haya Doorashada Somalia

Muqdisho,February 14,2021( Haatufonline)- Dawladaha mucaawimada siiya Somalia ayaa digniin kulul oo kama dambays u diray dhinacyada siyaasadda ee isku khilaafsan qabashada doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha dalkaasi oo dib u dhac weyn ku yimid kadib markii la isku mari waayeey qaabka loo qabanayo doorashooyinkaasi.

Beesha caalamku waxay soo dhawaysay shirka uu ku dhawaaqay madaxwenaha mudadiisu dhamaatay ee Farmajo in la qabto 15 bishan si loogaga wada hadlo armaha doorashada ee cakirmay taasoo ay ku tilmaameen inay tahay fursaddi u dambaysay ee heshiis loogu gaadho lahaa qodobada la isku khilaafsanyahay oo kala ah soo xulista calooshood-u-shaqeystayaasha Xamar u shaqo tahay ee Somaliland ku matali doona baarlamanka cusub iyo ciidamada dawladda dhexe ee ku sugan gobolka Gedo ee hoos yimaadda maamulka Jubaland wixii laga yeeli lahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*