Latest News

Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Dawladda Somalia Iyo Maamul Goboleedyadeedu U Dhamaadaan Ka Qaybgalka Shirka Dhuusomareeb

Dhuusamareeb, August 19, 2020 (Haatuf) – Beesha caalamka oo ay ku midaysan yihiin ururo iyo dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

Bayaan maanta kasoo baxay dalalkaan ayaa loogu baaqay Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan shirka Dhuusmareeb inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan shirka.

Beesha caalamka waxay mar kale adkeysay in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.  

“Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Dalalka ku midaysan beesha caalamka ayaa kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*