Latest News

Beledweyne: Xildhibaan Aamina Maxamed Oo Qarax Ismiidaamin Ah Lagu Dilay Caawa

Beledweyne, March 23, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Caawa qarax ismiidaamin ah lagu dilay Alle ha u naxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed.

Qaraxan ka dhacay Beledweyne ayaan ilaa iyo hada faahfaahin dheeraad ah laga haynin, mana jirto cid sheegatay inay ka dambayso.

Hase yeeshee xildhibaan Aamina Maxamed oo ka tirsanayd Baarlamaanka Somalia ayaa ahayd Musharaxad u taagan in mar kale la doorto.

Waxaana Aamina lagu xasuustaa sidii ay ugu doodi jirtay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil oo dileedka lagu tuhunsan yahay inay Hay’ada NISA oo ay ka tirsanayd ka dambaysay.

Connect with us on Facebook