Latest News

Shaki Badan Oo Hadheeyey Dilka Xildhibaan Aamino Iyo Rooble Oo Amray In Baadhitaan Lagu Sameeyo Ciddi Ku Lug lahayd

Muqdisho March 23 2022(Haatufonline)-Dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee caawa ka dhacay Beladweyn ayaa waxa ka dhashay shaki badan oo ku saabsan cidda ku lug lahayd taasoo keentay in raiisalwasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble amar ku bixiyo in baadhitaan buuxa lagu sameeyo dhadcdadaasi.

Xildhibaan Aamina ayaa lagu xasuusta sida weyn ee ay ugu doodi jirtay cadaalad-u-helidda kiiski Ikraan Tahliil oo u shaqayn jirtay Sirdoonka Somalia balse ilaa hadda raq iyo ruux la la’yahay meel ay ku dambaysay.
Qoyska IkraanTahliil yaa ayaa madaxda Sirdoonka Somalia ku eedeeyey inay ka dambeeyeen afduubka iyo dilka gabadhoodii oo xildhibaan Aamino si hagarla’aan ah ugu doodi jirtay taasoo usoo duuday colaadda madaxda Sirdoonka iyo taageeroyaasha madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waana sababta u shakigu u hadheeyay dilka xildhibaan Aamino oo magaalada Beladweyn u joogtay inay dib iskugu sharaxdo kursiga ay ku fadhido ee beesheeda markii lala beegsady qaraxa.

Connect with us on Facebook