Latest News

Budhacadbadeeda Waan La Dagaalamaya Laakiin Kaluumaysiga Sharcidarada Ahi Hawl Ii Taala Maaha

Haatufonline July 5,2023- Xeerka Badaha ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dhigaya in dalalka ku yaala xeebuhu ay masuul ka yihiin ammaanka biyahooda badda ilaa 22.22 km oo badda gudaheeda ah. Xeerkaas oo ay isku raaceen dawlaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxa kale oo uu qeexayaa in dalalka xeebta ku yaalaa ay gaar u yeelanayaan wixii manfac ah ee ku jira masaafad u dhaxaysa 22.22 km iyo 370.4 km oo badda gudaheeda ah taasoo ka bilaabmaysa xeebta dalka.Waxa kale oo uu xeerkani sheegaya in dalalkaasi u xilsaaran yihiin inay soohdimohooda badda ay ka ilaaliyaan faldambiyeedyada sida kaluumaysiga sharci darada ah , budhcadbadeed-nimada,weerarada dhaca hubaysan ah,argagixisonimada iwl.

Hadana xuduudaasi u dhaxaysa 22.22 km iyo 370.4 km ee sida gaarka loogu qoondeeyey dalka xeebta ku yaalaa inuu dhaqaale ahaan manaafacaadsado ayaa isla xeerkaasi baduhu jidaynayaa inay dawlado shisheeye soo faro galin karaan hadii budhcad-badeednimo ka dilaacdo si ay wax uga qabtaan. Laakiin qodobkan u saamaxaya dalalka kale inay iyagoo cuskanaya la dagaalanka budhacbadeedka soo galaan xuduudaha biyood ee dal kale marnaba kama wada turjumayo danaha dalalka Afrika ee xeebta leh sababto oo ah wuxu ku koobanyahay la dagaalanka budhcadbadeedda balse ma khuseeyo la dagaalanka dambiyada kale ee kadhaca badaha sida kaluumaysiga sharci darada ah ama falalka waxyeeladda loogu gaysto deegaanka (bi’adda) biyaha badda hoostooda,dushooda iyo hareerahoodaba oo runti ah mudaro toos u taabanaysa nolosha dadka ku uumman dalalka xeebaha leh gaar ahaan kuwa Galbeedka iyo Bariga Afrika.

Dabcan waa waajib in Budhcadbadeeda la iska qabto laakiin waxa aan isqabanin labada shay ee kala ah intaan xadkaaga kasoo talaabo ayaan biyohaaga dhexdooda kula dagaalamaya budhcadbadedda isla markaana shaqadayda maaha inaan wax ka qabto budhcadda kale ee xaalufinaysa biyahaaga badda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*