Latest News

Burkina Faso U Baroor-Diiqaysa Daraasiin Lagu Dilay Qaraxyo Ah

Arbinda, (Haatuf) – Ugu yaraan 35 qof oo shacab ah oo dhamaantoodb dumar ah ayaa lagu dilay weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday dalkan ku yaala Galbeedka Afrika oo dagaalo ay ka socdeen shantii sanadood ee u dambeeyey.

Sidoo kale todoba Askari iyo 80 dagaalyahan ayaa lagu dilay weeraro lamaane ah oo lala beegsaday saldhig milatari oo ku yaala magaalada Arbinda oo ka tirsan Gobolka Sum ee Waqooyiga dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen Milatariga dalkaasi.

Dalkan Burkina Faso ayaa xadd la leh dalalka Mali iyo Niger, waxaana si caadi ah uga dhaca weeraro ay ku dhintaan ama lagu dilo boqolaal qof san iyo 2015-kii oo dagaalo bilaabmay ay ku fideen gobolka Sahel oo dhan.

“Koox weyn oo argagixiso ah ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaaday sadhig milatari iyo shacab ku dhaqan magaaada Arbinda,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada oo war-qoraal ah soo gaadhsiiyey Saxaafada.

Dhinaca waxa weeraran ka hadlay Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore kaas oo yidhi “Weerarkan bahalnimada ah ee lagu qaaday  ciidamada waxa sidoo kale lagu dilay 80 dagaalyahano Argagixiso,” waxaanu intaasi raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata, “Weerarkan Naxariisdarada ah waxa kale oo ku dhintay 35 Shacab ah oo badankoodu yihiin Dumar.” Ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee dalkan ku  Burkina Faso ayaa joojiyey dhamaan dabaaldagyada Christmas-ka oo ay xiligan oo kale ee sanadka cusub ay dabaal dagaan dadka Cristaanka ahi.

Hase yeeshee Burkina Faso ayaa ah dal dadka ku nooli ay u badan yihiin Muslimiin, waxaana lagu qiyaasaa shacabka dalkaasi 20 Million oo qof oo 20% ay yihiin Christian laga tiro badan yahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*