Latest News

Calooshood U Shaqaysteyaashii Reer Somaliland Ee Maanta Ka Codeeyey Teendhada Afisyooni Oo Khajilaad Darteed Madaxa Iyo Wajigaba Soo Duubtay

Muqdisho,September 29,2021(Haatufonline)-Waxa maanta magaalada Xamar ka dhacday fadeexad ku saabsan xulashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka dalka Somalia iyadoo dad laga soo ururiyey Muqdisho oo Somaliland u dhashay lacag lagu siiyey inay u kala codeeyaan murashaxiin lasoo hortubay oo ka koobnaa calooshood u shaqeysteyaal kasoo jeeda Somaliland oo ku mamay inay cunaan cashuurta laga ururiyo dadka danyarta ah ee reer Muqdisho.

Hadaba arintan oo ka dhacday teendho laga dhisay madaarka Muqdisho hoosteeda ayaa dadkii codaynayey ee lasoo ururiyey waxay khajilaad iyo cabsi soo duubteen wajiga iyo madaxaba si aan looga garan dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland ee ay kasoo jeedeen.Dhacdadani waxay xaqiijinaysa in waxa meesha ka socday ahaa doorasho been been ah oo ay dawladda Somalia ku hafarayso Somaliland iyadoo doonaysa inay caalamka ka dhaadhiciso inay Somaliland xukunto.Waxa kale oo dhacdadani fadeexad ku tahay wadamada usoo qadhaaba Somalia ee lacagta ku bixiya in doorasho ka qabsoonto.

 

Connect with us on Facebook