Latest News

Ciidamada DANAB Oo Sheegay In 7 Al-Shabaab Ka Tirsan Ay Ku Dileen Hawlgal Ay Ka Fuliyeen Shabeelaha Hoose

Qoryoolay, February 3, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada DANAB ee Soomaalia ayaa sheegay in howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Qoryooleey iyo Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalada ciidamada DANAB ka fulyeen gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney howlgalka ay ku burburiyeen Maxkamada Al-shabaab ku lahayeen tuulooyinka Adimoole iyo Degwariiri oo ku yaala inta u dhaxeysa degmada Qoryooleey iyo deegaanka Tooratooroow.
Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalkooda waxaa la sheegay iney dagaalo xoogan ay kula galeen dagaalamayaasha Al-shabaab tuulooyinka Mubaarak iyo Daarusalaam, taliyaha Ururka 83-aad Gaashaanle Nuuradiin Macalin Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalada ay ka fuliyeen deegaanada hoostaga Qoryooleey iyo Awdheegle ay ku dileen 7 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.
Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa inta badan howlagalo qorsheysan ka sameeya deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Connect with us on Facebook