Latest News

Ciidanka Bileyska Oo Sheegay In La Qabtay Dabley Weerartay Saldhig Boolis Oo Boorama Ku Yaala

Hargeysa, (Haatuf) – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Faarax Maxamed Mirre ayaa ka hadlay Weerar Dablay hubaysan Saaka Waaberigii ku qaadeen Saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama.

Taliye ku-xigeenku wuxuu sheegay in dablayda oo uu ku tilmaamay Qas wadeyaal ay Xilligii Salaadda Subax rasaas ku rideen Saldhigga dhexe ee Booliska ee Magaalada Boorama, laakiin Ciidankii halkaa ku sugnaa ay Iska difaaceen isla-markaana eryadeen illaa ay Xuduudka Itoobiya ka tallaabeen.

 “Saaka Waaberigii wakhtigii Salaadda, Koox yar oo Qas wadeyaal ah ayaa Rasaas ku soo riday Saldhigga dhexe ee Boorama, Ciidammada Booliska ayaa si geesinimo leh uga  hor tagay Nimankiina eryaday, illaa Xuduudda Itoobiya ay galena eryanayey, haddana Gobolku waa Nabad, wax dhibaato ahina kama jirto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Boolisku qabtay qaar ka mid ah Dablayda weerarka geysatay “Nimankiina Xadka Itoobiya ayay ka gudbeen, qaarna waa laga qabtay..”

Taliye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay Ciidanka Booliska “Wax khasaare ah oo Ciidanka soo gaadhay ma jiraan..”ayuu yidhi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*