Latest News

Ciidanka Bilayska Somaliland Oo Laba Nin Ku Qabtay 1,535,000 Dollar Foorjari Ah Oo Dalka Kasoo Galay Dhinaca Puntland

Hargeysa, October 26, 2020 (Haatufonline) – Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo la sheegay inay siteen lacag Doolar foorjari ah oo ka kooban noodhadh waraaq ah oo marka qiimo ahaan la isu geeyo oqonaya lacag dhan hal milyan shan boqol iyo shan iyo sodon kun oo doolar la macmalay ah.

Labada nin ee lagu qabtay lacagtan foorjariga ah ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan maamul goboleedka Puntland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha ciidamada dambi baadhista Somaliland ee CID-da, ahna Afhayeenka Ciidamada Bilayska Somaliland Faysal Xiis.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*