Latest News

Ciidanka Danab Oo Burburiyey 2 Xarumood Oo Ay Alshabaab Ku Diyaarin Jireen Qaraxyada

Muqdisho,September 16,2022(Haatufonline)-Habeenimadii malintii Arbacada iyo shalay Khamiistii waxa ciidanka komaandooska ah ee Danab u suurtagashay inuu burburiyo laba xarumood oo muhiim ah oo ay kooxda Alshabaab ku diyaarin jireen noocyada kala duwan ee qaraxyada ay ka fuliyaan magaalooynka iyo jidadka dalka Somalia . Xarumahan ayaa waxay ku kala yaaleen meel ku dhaw tuulada Tixsiile iyo Garas Gawaan oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.Labada xarumoo ee la burburiyey ayaa ahamiyad weyn u lahaa taakulaynta hawlgalada argagixisonimada ah ee ay ku kacaan kooxda Alshabaab taasoo ay dhibaato laxaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba isuga jiraa kasoo gaadhi jireen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanaada labadaas xarumood ku yeeleen iyo meelo kale oo ka durugsanba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*