Latest News

Dagaal Ciidamada Somalia Iyo Kuwa Kenya Ku Dhexmaray Xadka Labada Dal

Balad-xaawo, September 26, 2020 (HaatufOnline) – Dagaal ayaa ciidamada Somalia iyo kuwa Kenya ku dhexmaray deegaanada xadka ee labada dal ay wadaagaan, gaar ahaana Balad-Xaawo.

Inkastoo ilaa iyo hadda aan la soo sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidamada Somalia iyo kuwa Kenya, ayaa waxa ay warartu tilmaamayaan in dagaalkani uu yimid kadib markii dad dibadbaxaya oo ka cabanaya xadgudubyo ciidamada Kenya ay ka geysteen deegamada Xadka.

Sidoo kale ma jiraan saraakiil labada dhinac ah oo ilaa iyo hadda ka hadlay dagaalka dhexmaray ciidamada Somalia iyo kuwa Kenya iyo khasaaraha ka dhashay toona.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*