Latest News

Dagaal Dhinaca Afka Ah Oo Dhexmaraya Turkiga Iyo Imaaraadka Carabta

Ankara/, May 1, 2020 (Haatuf) – Dawladda Turkiga ayaa eedayn kulul u jeedisay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta, iyada oo ku eedeysay in ay taageerto argagixisada iyo shirqoolada afgambiga ah, isla markaana ay ku xad gudubtay shuruucda caalamiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu waxa uu ku eedeeyey Imaaraadka inay taageerayso kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo sidoo kale taabacsan himilada gooni goosadka ah ee Golaha Ku-meelgaadhka ah ee Koonfurta Yemen.

Hadalkan ka soo yeedhay dalka Turkiga ayaa imanaya hadal ka soo baxay maamulka Abu Dhabi oo hore ugu eedeeyey Turkigu inuu faragelin ku hayo arrimaha carbeed ee Liibiya isagoo adeegsanaya argaggixiso.

In kasta oo Ankara ay ku celcelisay taageeradeeda iyo ixtiraamkeeda dhuleed iyo siyaasadeed ee waddammada carabta, waxay sidoo kale ku dooday in Imaaraadku isku dayayo inuu daboolo taageeradiisa shirqoolada afgambiga.

“Muddo sanado ah, Imaaraadku wuxuu Libya siin jiray tabiyayaal hub, qalab milatari iyo calooshood u shaqeystayaal,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dagaalkan dhinaca afka ah ee labada dal ayaa imaanaya kadib markii xoogag ka tirsan ciidamada dowladda Libya oo fadhoodu yahay Tripoli ay guulo ka gaareen galbeedka Liibiya maalmihii la soo dhaafay, iyagoo dhul badan ka qabsaday Ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar  ee ay taageerayaan Imaaraatku.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*