Dahabshil iyo Telesom oo Berbera keenay tankar cunoqabatayni saarantahy oo siday gaska cantada lagu kariyo
Haatufonline March 11,2026
Bishi lasoo dhaafay ee February ayaa waxa dekadda Berbera kusoo xidhay taankar qaada gaska cuntada lagu kariyo(LPG) oo lagu magacaabo Clifton oo ay dawladda Maraykanku hore ugu soo rogtay cunoqabatayn ka dib markii la ogaaday inuu ka midyahay gaadiidka badda ee sida qarsoodiga ah ugu shaqeeya qaybta Al-qudus (IRGC) ee ka tirsan ciidamada Iiraan.
Baadhitaan u arintan ku sameeyey wargeyska SomalilandChronicle ayaa waxa lagu sheegay in gaska u siday Clifton ay kala lahaayeen shirkadda xawaaladaha ee Dahabshil iyo shirkadda Telesom ee isgaadhsiinta(telecommunication).
Sida uu wargeysku sheegay Clifton waxa laga saaray Berbera ka dib marki ay xukuumadda Somaliland sagaal maalmood ka dib ku ambaaburtay imaanshaha Clifton,waxaana la xidhay 3 ka mid ah shaqaalaha dekadda Berbera inkastoo aanay wali kala caddayn in xadhigoodu ku lug lahaa arinta Clifton iyo in kale.
Shirkadaha Somaliland iyo Somalia ayaa soo waarida gaska iyo baatroolka jaban ee laga soo tahriibyo dalka Iiraan. Shidaalkan oo inta badan ah nooc tayadiisu aad u hoosayso oo dadku dhibaatooyin badan kala kulmaan,ayaa hadana waxay shirkadahaasi ku iibiyaan qiimo qaali ah .
Shirkadda Hormuud ee Muqdishu ee uu leeyahay Axmad Jimcaale ayaa sida la sheegay gacanta ku haysa xidhiidhka qarsoodiga ah ee u dhaxeeya gaadiidka tahriibiya saliidda Iiraan ee ay cunoqabataynta saarantahay iyo shirkadaha waawayn ee shidaalka keena Somalia iyo Somalilandba.
Leave a comment