Latest News

Dalalka Afrika Ha Yeeshaan Shuruuc Adag Oo Lagaga Caago Bililiqaysiga Khayraatka Biyahooda Badda

Haatufonline,July 1,2023

Khayraadka badda ku hoos jiraa kuma koobna kaluunka oo kaliya balse waxa kale oo laga helaa Macdan iyo Shidaalba.
Laakiin marka Afrika la eego inta badan waxa khayraadkaasi si guracan u manaafacaadsada dalal Shisheeye ah oo kasoo kala jeeda reer Galbeedka,Asiya iyo Bariga Dhexe.

Dhibka ugu weyn ee hadda taagan ee haysta dalalka yar yar ee xeebaha ku yaalaa waa kaluumaysiga sharcidarada ah iyo waxyeelaynta bi’adda ee ay maraakiibta shisheeye ku hayso biyahooda baddap.
Ayaan darro,ma jiraan xeerar caalamiya oo ay dawladahaasi adeegsan karaan si ay iskaga difaacaan bililiqaysiga khayraadkooda una ilaashan karaan badqabka bi’adda biyahooda badda.
Hadaba inta xeerarkaas la helayo waxa dalalka kor ku xusan la gudboon inay iyagu yeeshaan xeerar adag oo loo cuskado falalka kaluumaysiga sharci darada ah ama waxyeelaynta bi’adda biyahooda baddu ku fadhiyaan sida ganaax culus oo lagu soo rogo maraakiibta lagu qabto kaluumaysiga sharci darada ah ama dawladdu la wareegtaba si arimahaasi looga caago.Maraakiibta saliidda ama qashinka ku qabta biyahooda badda isla sidaas oo kale loola dhaqmo.

Waxase muhiim ah in dalalka Afrika laftoodu ay yeeshaan iskaashi iyo wax-wada-qabsi ay danahooda ku ilaashanayaan kuna fushanayaan. Waxa bogaadin mudan iskaashiga ka dhex bilaabmay dalalka Bariga Afrika ee Badweynta Hindiya iyo dalka India kuwaaso wada gaadhay heshiis la magacbaxay MAZE.Heshiiskan ayaa dalalkan iyo India u saamaxaya inay isu gudbiyaan oo kala helaan wixii xogo iyo macluumaad ah ee ku saabsan falalka iyo dhaqdhaqaaqyada sharcidarada ah ee ka dhaca badda u dhaxaysa dalalkaasi iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dalal kale oo ku yaala mandaqadda Gacanka Cadmeed ay danaynayaan inay ku biiraan heshiiska MAZE.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*