Latest News

Danial Arab Moi, Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Geeriyooday

Nairobi, (Haatuf) – Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Danial Arab Moi ayaa geeriyooday sida ay xaqiijisay dowladda Kenya.

Madaxweynaha geeriyooday ayaa bilihii ugu danbeeyayba la sheegay in uu xanuunsanayey oo uu ku jiray Cisbitaalka weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo  lagu daweeynaayey ugu dambeena uu xalay ku geeriyoodey.

Danial Arab Moi ayay da’diisu ahayd 95 sano jir, isaga oo dalkaasi xukumayey 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa  muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la  tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*