Dawladda Israa’iil Oo Soo Bandhigtay Qoraal Ku Saabsan Qaddiyadda Somaliland.
Hargeysa, April 20, 2026 (Haatufonline) -Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay qoraal ku saabsan qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo dib u xiganaysa qaraar hore oo uu soo saaray ururka Midowga Afrika sanbadkii 2005tii, kaasi oo garwaaqsanayay sharcinimada madaxbannida JSL.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa qoraalkan ku baahisay barta ay ku leedahay X ee hore loo odhan jiray Twitter-ka ayay si gaar ah u soo xigatay warbixin xaqiiq-raadis ah oo Midowga Afrika ka diyaariyay Somaliland sannadkii, taas oo uu Midowga Afrika ku caddeeyay in israacii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya sanadkii 1960-kii aanu helin ansixin sharci ah, isla markaana uu horseeday xasillooni darro iyo burbur socday muddo dheer oo u dhexaysay 1960 ilaa 1990.Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa warbixintiisa ku tilmaamay arrinta aqoonsiga Somaliland mid “taariikh ahaan u gaar ah Afrika,” taas oo leh duruufo iyo xaqiiqooyin aan si fudud loola barbar dhigi karin xaaladaha kale ee qaaradda ka jira.Warbixinta ayaa intaas ku dartay in aqoonsiga Somaliland aanu khatar ku ahayn xuduudaha dalalka kale ee Afrika, balse uu yahay mid ku sallaysan xaqiiqooyin taariikhi ah oo cad, islamarkaana u baahan in si gaar ah loo eego.Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa qoraalkeeda ku xustay in Somaliland ay xaq u leedahay inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo ku saklaynaysa qiimayntii iyo tallooyinkii hore ee Midowga Afrika, iyadoo ugu baaqday ururka midowga Afrika inuu dib isu dhagaysto oo aanu iloobin qaraaradii ay hore u soo saareen.
Leave a comment