Latest News

Dawladda Somalia Oo Markii Ugu Horaysay Xayirtay Akawno Ay Leedahay Alshabaab

Muqdisho,October 7,2022(Haatufonline)-Dawladda Somalia ayaa markii ugu horaysay xayiraad kusoo rogtay xisaabo lacagi ugu jirtay kooxda Alshabaab. Wasiir-kux-igeenka Warfaafinta Somalia Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo arintan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in akownadan ay ku jireen lacago badan oo ay Alshabaab u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka iyo inay soo gaadheen kumanaan fariimo ah oo ay dadku lasoo wadaageen xisaabaha ay Alshabaab ugu diri jireen lacagta. Haseeyeeshee Alcadaala daboolka kamuu qaadin magacayada baananka,shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladaha ay akownada la xanibay ka furnaayeen.

Alshabaab ayaa lagu tilmaamaa ta ugu qanisan kooxaha argagixisada iyadoo lacag malaayiin doolar ah ay baad ahaan uga qaadaan dekadda Muqdisho,ganacsatada iyo gobolada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*