Latest News

Dawladda Somalia Oo Sheegtay In Maamulihi Shirkadda Hormood Ee Jilib Ee Ku Dintay Duqeynti Cirka Ee Shalay Ka Tirsanaa Ururka Alshabaab

Muqdisho february 25,2020(Haatufonline)-Dawladda Somalia ayaa sheegtay in maamulihii shirkadda isgaadhsiinta ee Jilib Maxmuud Xaaji Salaad oo shalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanku dileen uu ka tirsanaa ururka Alshabaab.Warsaxaafadeed u shalay soo saaray taliska ciidamada Maraykanka u qaabilsan Afirka(Africom) ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo la kaashanaya xukuumadda Somalia ay duqayn cirka oo ay ku qaadeen Jilib ku dileen hal qof oo argagixiso ah isla markaana aanay jirin cid kale oo weerarka wax ku noqotay inta la ogyahay.

Shirkadda Hormood ayaan ila hadda si rasmi ah uga hadal dhacdadan lagu dilay sarkaalki ka madaxda aha laantooda Jilib.Diyaaradaha Maraykanka ayaa bishan ugu yaraan 9 weerar ku qaaday bartilmaamerdyo ku yaala Somalia oo ay la beegsanayeen ciidamada iyo saraakiisha Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*