Latest News

Dawladda Somaliland Oo Joojisay Dhammaan Xidhiidhkii Iyo Iskaashigii U Dhaxeeyey Hayadaha Qarmada Midoobay

hargeysa,October 26,2020(Haatufonline)-Sida ku cad wareegto uu shalay soo saaray wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Gaafaadhi dawladda Somaliland ayaa joojisay xidhiidhki iyo iskaashigi u dhaxeeyey iyada iyo hayadaha Qaramada Midoobay.Inkastoo aan wax faahfaahin laga bixinin sababta ay xukuumadda Somaliland talaabadaa u qaaday hadana waxa la aaminsanyahay in sababta xukuumadda ku dhalisay arintani tahay mid la xidhiidha barnaamij ay Qaramada Midoobay ugu talogashay mashaariicda horumarinta ah ee ay gobolada Somalia ka hirgalin doonto 2021-2025 oo ay Somaliland kusoo dartay iyadoo ku xisaabtamaysa inay Somaliland ka midtahay.

Golaha wasiirada xukuumadda Somaliland oo todobaadki hore barnaamijkan kaga dooday shir aan caadi aheyn ayaa si buuxda uga horyimid qorshahan cusub ee Qaramada Midoobay ka

iyadooo uu ku tilmaamay mid farogalin iyo xadgudub ku ah qarannimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*