Latest News

Dekadda Berbera Oo La Gaadhsiinayo 1000 Metre Iyo 2 Milan Oo Konteenar Iyo Madaxweynaha Somaliland Iyo Gudd DP World Oo Ka wadahadlay

Hargeysa,April 7,2021(Haatufonline)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo  Guddoomiyaha shirkadda DP World Suldaan Suwaylem ayaa kulan ay maanta ku yeesheen madaxtooyada Somaliland kaga wada hadlay wajiga labaad ee balaadhinta dekadda caalamiga ah ee Berbera iyadoo sida u qorshuhu yahay dherarka dekadda la gaadhsiin doono 1000 mitre oo markiiba ay 10 markab kusoo xidhan karaan.Warsaxaafadeed arimahan ka hadlaya oo ay Madaxtooyada Somaliland soo saartay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.

Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika.
Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika.
Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera.”

Connect with us on Facebook