Latest News

Farmaajo Oo Amiirka Qadar Ka Ogoladay In Dacwaddi Murunka Xuduudda Badda Laga Noqdo

Muqdisho,May 7,2021(Haatufonline)-Dawladda Somalia ayaa ogolaatay in wada hadal lagu dhameeyo  murankii ku saabsanaa xuduudda badda ee u dhaxeey Somalia iyo Kenya ka dib markii uu madaxweynaha mudadiisu dhamaatay M.C.Farmaajo uu Amiirka Qadar ka ogolaaday in Somalia ka noqoto dacwaddi taalay Maxkamadda Aduunka ee ay ku dalbanaysay in loo xukuumo buqcad sadex geesood ah oo ku taala xuduudda biyaha badda  ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Buqcadda muranku ka taagnaa ayaa waxa la tuhunsanyahay in shidaal iyo gas ku jiro waxaana sadex qaybood (blocks) oo buqcaddaas ah ay dawladda Kenya rukhsad u siisay inay baadhaan labada shirkadood ee waaweyn ee kala ah Eni oo Talyaanigu leeyahay iyo Total oo Faransiisku leeyahay.

Hadaba sanadkii 2019 ayaa shirkadda Qatar Petroleum ee ay leedahay Dowladda Qadar waxay Eni iyo Total ka iibsatay 25% sadexdii block ee rukhsadooda ay hore u haysteen.Sidaas darteed Amiirka Qadar oo danaynaya xoolaha ka galay sadexda block ayaa Farmaajo ka dalbaday inuu dacwaddi Haig ka noqdo oo muranka lagu dhameeyo dibadda iyadoo ay Qadar dhexdhaxaadin doonto labada dhinac taasoo u Farmaajo markiiba aqbalay isla markaana ay Qadar ugu balanqaaday abaalguud weyn oon la carabaabin.

Connect with us on Facebook