Latest News

Dhalinyaro Ethiopian Ah Oo Doonaysa Inay Ka Soo Dagaalamaan Ukraine

Addis Ababa, April 19, 2022 (Haatufonline) – Dhalinyaro Ethiopian ah ayaa safaf u galay Safaarada Dalka Ruushku uu ku leeyahay Addis Ababa.

Dhalinyaradan Ethiopianka ah ee isugu soo baxay safaarada Ruushka ayaa sheegay inay doonayaan inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ukraine, isla markaana ay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka ee ku duulay Ukraine.

Hase yeeshee Safaarada Ruushka ee Addis Ababa ayaa sheegtay in aanay jirin wax qorshe ah oo xiligan ay uga baahan tahay inay qorato dhalinyaradaasi Ethiopianka ah.

Dalalka Ruushka iyo Ethiopia ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed lahaa tan iyo 1943-kii, waxaanay laba dalba ka furan waa Moscow iyo Addis Ababa,e safaarado ay isdhaafsadeen.

Sidoo kale dalka Ruushka ayaa wakhti xaadirkan dawlada Ethiopia ka taageeraya mashaariic dhawr ah oo dhinaca milatariga, gaar ahaana Ciidamo Baddeed oo xoogan oo dalka Ethiopia uu yeesho.

 

Connect with us on Facebook