Latest News

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Eritrea Loogu Carbinayey Inay Ka Qaybgalaan Dagalka Tigray Iyo Inay Farmaajo Gacan Ka Siiyaan Boobka Doorashada Oo La La’yahay Meel Ay Jaan IYo Cidhib Dhigeen

Muqadishu,January 17,2020(Haatufonline)-Muddo haatan laga joogo 2 sanadood iyo dhawr bilood ayaa madaxweynaha Somalia Farmaajo waxa uu 4 kun oo dhalinyaro ah u firay dalja Eritrea si halkaas loogu siiyo tababar militari Macluumaad dheeraad ò hadda soo ifbsxay ayaa tibaaxaya in sababta ciidamadaasi loo geeyey Eritrea aheyd in loo carbiyo ka qaybgalka dagaal lagu qaadayo gonolka Tigray oo ay qorshahiisa dajiyeen madaxweynaha Eritrea Aseyaas Afwerki iyo raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo in qayb ka mid ah ciidankaasi lagu celiyo Somalia si ay madaxweynaha Somalia gacan ka siiyaan sidii uu u boobi lahaa doorashada uu qorshahu ahaa inay Somalia ka dhacdo 2020/2021.

Hadaba waxa durtaba la helay macluumad cusub oo xaqiijina in tiro badan oo ka mid ahaa ciidamadaasi oo magacyadooda la helay ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaalkii bishii November ka qarxay gobolka Tigray halka ciidankaa intoodi kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Sida la sheegay dhalinyaradaasi waxa qorshihii lagu geeyey Eritrea toos u maamulayey Farmaajo iyadoo laga qaryey raiisalwasaarihii Somslia ee xiligaasi Xasan Khayre.Dhalinyaradaa ayaasida la xaqiijiyey laga soo xulax gobolada bariga Somaliland,dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia iyo gobolada Shaberle iyo Jibooyinka ee Somalia iyadoo dhalinyarada reer Muqdisho laga ilaaliyey inay ka mid noqdaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*