Latest News

Dhuumashada Dhabarku Muuqdo Ee Ka Dhaxayaysa Shiinaha Iyo Alshabaab Ee Sababtay Qaraxyadi Ugu Dhimashada Badna.

In badan ayaa laga hadlay Alshabaab iyo qaraxyada ay kolba la beegsadaan dad rayid ah oon waxba galabsan.Hase yeeshee waxa aan wali si dhab ah la isu weydiinin meesha ay Alshabaab ka helaan alaabooyinka iyo farsamooyinka ay u adeegsadaan samaynta qaraxyada ay hadh habeenba dadka Soomaaliyeed ku gumaadayaan.

Hadaba kadib markii uu Mareegaha Haatufonline.com arintan u kuur galay isla markaana xogo ka helay saraakiil dhawaan iska soo dhiibay kooxda Al Shabaab iyo ilo xogogaal ah oo ka tirsanaanjiray sirdoonada Somaliland, Somalia iyo qaar ka mid ah dawladaha mandaqada,waxa u suurtogashay inuu xaqiijinayo in dalka Shiinahu yahay meesha ay Alshabaab u doontaan kana soo qaataan alaabooyinka,agabka iyo aqoonta farsamo ee ay ku sameeyaan qaraxyada sadexda nooc ee kala ah: (1)bamamka wadada hareeraheda la dhigo ee lagu qarxiyo gaadiidka maraya

(2) Bamamka lagu rakibo Suunka is-qarxinta

(3) Bamamka lagu nabo baabuurta.

Dalka Somalia wuxu muddo dheer dagaal kula jiray argagixisada Alshabaab iyadoo dalalka beesha caalamku gacan ka siinayeen dagaalkaasi midwalba inta uu awoodi karo.Ujeedada dagaalkan ayaa aheyd sidii Somalia looga cidhibtiri lahaa argagixisada caadaystay dhiig daadinta joogtada ah ee dadka Soomaaliyeed iyo in falowgeed la qabto sidi aanay aafadaasi ugu fidi laheyn dalalka mandaqadda iyo kuwa caalamkaba. Balse Shiinaha oo ah dalka labaad ee dhaqaale iyo milatari ahaanba dunida ugu cududa weyn ayaa dalka Somalia iyo beesha caalamka inteeda kaleba kaga baxa dagaalki lagula jiray argagixisada oo ilaa hadda faraha ka laabanaya kana muquuranaya inuu guto waajibkii ka saarnaa.

Waxaynu ogayn in laamaha ammaanku ay bishii Oktoobar 2020 dekadda Muqdisho ku qabteen 79 Tan oo ah maadadda loo yaqaan Sulphuric Acid taasoo ay argagixisadu u adeegsadaan samaynta qaraxyada.Maadaddan la qabtay waxay ka mid aheyd badeecad dalka Shiinaha laga soo dhoofiyey oo lagu soo hagaajiyey qof Somalia ku nool.Waa

Mahad Alle in la qabtay laakiin bal ka warran hadii aa la qaban lahayn?Waxa hubaal ah in Alshabaab ay 79 kaasi Tan ka samayn lahaayeen qaraxyo waawayn oo u dhigma ama ka xoog weyn kii isgoyska Soobe ee 2017 ay ku dhinteen 600 qof . Isweydiintu 2aad waxay tahay tolow imisa jeer oo hore ayaan alaabtaasoo kale la qaban oo inta dalka lasoo galiyey ay Alshabaabku ku qabsadeen hawlahoodi argagixisonimada ?

Waxa kale oo isweydiin leh dawladda Shiinuhu badeecadaha noocaas ah marka loo soo dhoofinayo dalka Somalia oo kale oo ay ogtahay in argagixiso joogto miyaanay dareemi karin cidda loo wado iyo ujeedada laga leeyahayba?

Dabcan jawaabtu waa haa laakiin dawladda Shiinaha waxwalba waxa kala weyn in shirkadaheeda ganacsigu ay macaash helaan isla markaana ay iska dhawrto colaad dhexmarta iyaga iyo kooxda Alshabaab taasoo ay ku ilaashanayaan danaha dhaqaale ee ay ku leeyihiin Bariga iyo Geeska Afrika.

Faaiidada Alshabaab ku qabto Shiinaha kuma koobna alaabooyinka qaraxyada laga sameeyo ee looga soo dhoofiyo dalkooda balse waxa taas u dheer aqoonta casriga ah ee lagu sameeyo qaraxyada waaweyn ee dadka ugu badan galaafan kara taasoo ay ka soo bartaan Jaamacadaha dalka Shiinaha gaar ahaan kuliyadaha Injineernimada Makaanikada iyo Korontada iyo waliba Electronics-ka. Shiinuhu wuxu leeyahay sirdoon u dhigma kuwa dawladaha kalee waaweyn balse xubnaha Alshabaab markay dalka Shiinasha u tagayaan aqoon-koradhsiga ku aadan farsamooyinka lagu sameeyo qaraxyada xoogga

badan ama ay rabaan inay soo iibsadaan alaabooyinka qaraxyada laftooda laga sameeyo waxay si dhib yar Fiisaha lagu galo dalkaasi uga qaataan Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.Tusaale ahaan waxa jirtay in mid ka mid ah xubnahaasi Shabaabka oo wax ku baran jiray Jaamacadda Tianjin uu markii dambe halkaasi ka yagleelay xafiis ganacsi oo Alshabaabka usoo dhoofiya alaabooyinka qarxyada laga sameeyo isagoo ka faaiidaysanaya xidhiidhadii uu unkay mudadiisii waxbarashada ee uu Shiinaha joogay.

Somalia iyo beesha caalamkaba waxa la gudboon inay Shiinaha Cadaadis ku saaraan inuu joojiyo tas-hiilaatka badheedhka ah ee ay siinayaan argagixisada Alshabaab ee ay dalkoodii u balaqeen inay xubnaha kooxdaasi tagaan oy kala yimaadaan cilmigii iyo alaabooyinkii ay ku xasuuqi lahaayeen dadka Soomaaliyeed.Hadii Shiinahu ka waantoobi waayo arintan dawladda Somalia waxay xaq u leedahay inay qaaddo talaabo deg deg ah oo ku lidi ah Shiinaha bal adcaful iimaan inay dalkeeda ka caydhiso Safiirka Shiinaha.Dawladda Jibuuti lafteeda oo Shiinuhu ku leeyahay saldhig ciidan ayaa waxa la gudboon inay Shiinaha culays ku saarto joojinta arimahan aanu kor kusoo sheegnay ee khatarta ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka oo dhan.

Connect with us on Facebook