Latest News

Madaxweynaha Galmudug Oo Cafis U Fidiyey Sarkaal Ka Soo Goostay Ahlu-Sunna

Galmudug, November 6, 2021 (Haatufonline) – Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa cafis u fidiyay Dhamme Nuur-deeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya, qeybta ka howlgasha Galmudug, kaas oo dhawaan u goostay Ahlu-Sunna, kuna biiray dagaalyahanadeeda.

Nuur-deeq ayaa xalay ka soo goostay ciidamada Ahlu-Sunna ee fariisimaha ka sameystay deegaanka Bohol ee galbeedka magaalada Dhuusamareeb, waxuuna kala soo goostay qori Dhashiike ah.

Madaxwayne Axmed Qoor Qoor ayaa caawa madaxtooyada loogu geeyey sarkaalkan, waxuuna ku amaanay go’aanka uu qaatay, isagoo u fidiyey cafis guud, amarna ku bixiyey in loo fasaxo musharkiisa oo laga xanibay markii uu ku biiray kooxda Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Dhamme Nuur-deeq u sharciyeeyey qorigii uu Ahlu-Sunna kala soo goostay, kaas oo si shakhsi ah uu sarkaalkaan u lahaan doono, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka qeyb galay kulanka Qoor Qoor iyo Sarkaalkaan ka tirsan NISA.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa la socday sarkaalkaan markii caawa madaxtooyada loogu geeyey madaxweynaha. Axmed Qoor Qoor ayaa u balan qaaday qof kasta oo ka soo goosta Ahlu-Sunna, inuu cafis u fidin doono, sidoo kale waxa uu balan qaaday in qof kasta hubka uu kala soo goosto uu milkiyadiisa lahaan doono.

Kadib dagaalkii cuslaa ee Ahlu-Sunna ay ciidamada dowladda kula gashay degmada Guriceel, hadda waxay dagaalyahanadeedu fariisimo ka sameysteen deegaan lagu magacaabo Bohol oo 40 KM waqooyi galbeed ka xiga xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas waxaa la sheegay in Ahlu-Sunna ay weli ka wado abaabul ciidan.

Sidoo kale waxaa socda wadahadallo ay garwadeen ka yihiin sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Laba-afle oo Sheekh Shaakir ay jufo hoose isla yihiin iyo ganacsato reer Dhuusamareeb ah, kuwaas oo laba maalin ka hor gaaray deegaanka Bohol, illaa hadana lama soo werin wax hormar ah oo wadahadallada socoda laga gaaray.

Connect with us on Facebook