Latest News

Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo TPLF Oo Ka Dhacay Dalka Ethiopia

Addis Ababa, November 5, 2021 (Haatufonline) – Dibadbaxyo waawayn ayaa ka dhacay dhawr magaalo oo kamid ah dalka Itoobiya, maanta oo Jimce ah.

Dibadbaxyadan yadan ayaa ahaa kuwo looga soo horjeedo TPLF, isla markaana lagu taageerayo dowladda.
Meelaha ay banaanbaxyadu ka dhaceen waxaa kamid ah, magaalooyinka waawayn ee degaanka Oromiya oo shacab aad u tiro badan isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo watay boodhadh ay ku qornaayeen odhaahyo ay ku cabirayaan sida ay uga soo horjeedaan kooxda TPLF.
Magaalooyinka kale ee laga banaanbaxay waxaa kamid ah magaalada Diridhabe, oo dad badani isugu soo baxeen garoonka wayn ee kubadda cagta, halkaas oo ay isugu yimaadeen shacabkii magaalada oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta ismaamulka Diridhabe.
Guud ahaan banaanbaxyada maanta ayaa ahaa kuwo dadku kaga soo horjeedeen kooxda TPLF, isla markaana lagu taageerayay hawlgallada dowladda ee ka dhanka ah TPLF. waxayna kusoo hagaagayaan banaanbaxyadan xilli xaalka Itoobiya uu meel adag marayo, iyadoo dalkuna uu ku jiro xaalad deg deg ah, dowladduna ku adkaysanayso inay meel saarayso kooxda TPLF.

Connect with us on Facebook