Latest News

Dilki Xildh Aamina Oo Soo Jiitay Cambaarayn Caalamiya Iyo Maxaliya Iyo Villa Somalia Oo Fartu Ku Godantahay

Muqdisho,March 24,2022(Haatufonline)-Dilki foosha xumaa ee fiidkii xalay magaalada Beladweyn lagula kacay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa soo jiitay cambaarayn caalamiya iyo maxaliyaba .
Wakiilka Midowga Yurub Ambassador Tina Intelmann oo tacsi u dirtay qoyska xildhibaan Aamina ayaa waxay sheegtay in Midowga Yurub uu si adag u cambaareynayo dilalka ku salaysan arimo siyaasadeed.
Dhinaca kale dad badan oo ka mid ah mudakar bulshada Somalia oo cambaareeyey dilkan ayaa ku tilmaamay shirqool dhagaraysan oo laga soo maleegay Villa Somalia.
Aamina oo si hagarla’aan ah ugu doodi jirtay kiiskii Ikraan Tahliil ayaa magaalada Beladwayn u joogtay inay dib ugu tartanto kursiga ay ku fadhido er beesheeda.Hasa yeeshee kooxda Farmaajo ayaa dadaal wayn u gashay inay ka reebto tartanka oo laga saaro murashixiinta.

Connect with us on Facebook