Latest News

Diyaaradaha Dagaalka Ethiopia Oo Duqayn Ka Gaystay Mekelle

Mekelle, August 26, 2022 (Haatufonline) – Dawlada Ethiopia ayaa duqayn dhinaca cirka ah ka gaysatay caasimada gobolka Tigrayga ee Mekelle maanta oo Jimce ah.

Telefishanka maxaliga ah ee Tigrayga ayaa ku waramay in duqayntan diyaaradaha dawlada Ethiopia ay ku qaadeen Mekelle ay ku dhinteen dhawr qof oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur, ilaa iyo hadana ma jiraan cid si madaxbaaan u xaqiijinaysa khasaaraha weerarkan.

Dagaalka sokeeye ee dalka Ethiopia ayaa mar kale todobaadkan dib uga curtay kaas oo u dhexeeya dawlada Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo gobolka Tigrayga.

Beeha caalamka ayaa labada dhinac ugu baaqaysa xabadd joojin iyo in dib loogu noqdo miiska wada xaajoodka.

Connect with us on Facebook