Latest News

Ujeedada Socdaal Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Ku Tagay Maamul Goboleedka Puntland

Garoowe, August 25, 2022 (Haatufonline) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Karaash, Wasiirro iyo Xildhibaanno Heer Maamul-goboleed ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa Madaarka Garoowe kaga hortagay.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Connect with us on Facebook