Latest News

Doorashadii Somaliland Oo Soo Jiidatay Indhaha Caalamka Iyo Dareenka Goobjoogeyaasha

Hargeysa,May 31,2021(Haatufonline)-Waxa dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland si habsami ah uga socota doorasho isku sidkan oo muwaadiniintu ku dooranayaan xildhibaanada ku matali doona Golaha Wakiiladda oo ah aqalka hoose ee Baarlamanka iyo Goleyaasha Deegaanka.

  1. Inkastoo ay Somaliland labaatankii sanadood ee u dambeeyey ay qabsanjirtay doorashooyin ay dadku codkooda si toos ah ugu dhiibtaan haddana doorashadan ayaa noqotay mid si ka badan kuwii hore indhaha caalamka usoo jiidatay iyado ay dalka haatan ku suganyihiin Goobjoogeyaal iyo warbaahin caalami ah oo tiro badan oo u yimid inay la socdaan habkay doorashadu u dhacayso isla markaana qiimeeyaan kana warbixiyaan inay u dhacday si xor oo xalaal ah iyo inkale dhaliilo hadii ay jiraan ah sheegaan.Waxa kale oo Muraaqibiintan kasoo horeey koox kale oo iyagu qiimaynayey ololaha doorashada ee xisbiyada iyo murashixiinta iyo taageeroyaashoodu soo bandhigaan ( election campaign monitoring ) oo qabsooma todobaad ka hor maalinta codaynta iyadoo ay xubnaha kooxdaasi is-qaybiyeen si ay cidi uga joogto gobolkasta,waxaanay ka warbixin doonaan sidii uu ololaha doorashadu u qabsoomay.

Waxa xusid mudan in doorkan ay Goobjoogeyaasha iyo warbaahinta shisheeye ay ku badanyihiin kuwa ka yimid dalalka Afrika taasoo la filayo inay Somaliland ku kasbato saaxiiboyaal cusub oo ka mid ah dawladaha Afrika.Dabcan waxa iyaguna joogay Goobjoogeyaal ka socda dalalka reer galbeedka iyo hayadaha caalamiga ah ee dhawaan qaadacay inay goobjoogeyaal u usoo diraan doorashadii Itoobiya ee dhawaan dib loo dhigay.

Dhinaca dalka Somalia ee ay Somaliland jaarka yihiin ayaa dad badan oo shicib ahi waxay baraha bulshada ku muujiyeen dareen ay ku cabirayaan siday ula dhacsanyihiin doorashada ka qabsoontay iyo dimuqraadiyadda ka hana qaaday Somaliland iyadoo mudooyinka dambe ay isa soo taraysay tirada dadka reer Somalia ee siyaasiyiin iyo aqoonyahanba leh ee taageersan in Somaliland iyo Somalia noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan oo jaar ah oo wax wada qabsada inkastoo warbaahinta Somalia ay arintaas daboolka saarto dano ay ku qabaan xafiiska Villa Somalia awgeed.

Sawirka warkan ku lifaaqan ayaa muujinayaa kadib markii ciidamadii taliskii Siyaad Barre la jibiyye ee ciidamadii xoraynta ee SNM gacanta ku dhigeen caasimada Somaliland ee Hargeysa January 1991 iyo waqtigan xaadirka ee May 2021 ee muwaadiniinta Somaliland dooranayaan cidii ku matali laheyd baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka.

 

Connect with us on Facebook