Latest News

Dowlada Soomaaliya Oo Beenisay Warar Ay Baahiyeen Warbaahinta Kenya Oo Sheegaya In NISA Iyo Al-Shabaab Ay Iska Kaashadaan Jabka AMISOM

Muqdisho, April 18, 2020  (Haatuf) –  Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay wararka aay tabisay warbaahinta Kenya islamarkaana aay soo xigteen warbaahinta Soomaalida oo ku aadanaa xariir dhexmaray hay’ada nabadsugida Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku cadeeysay cabasho weeyn oo aay ka qabto wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta ah oo aay daabaceen labada wargeeys ee kasoo baxa Kenya The Star iyo Standard Media.

Wasaarada ayaa sidoo kale qoraalkeeda lagu cadeeyay in NISA aay ka go’antahay dagaalka kadhanka ah Al-shabaab islamarkaana aay dambi u aragto wararka ceebeeynta ah ee dhex wareegayo baraha bulshada kuwaas oo ah isku day lagu doonayo in hoos loodhigo hay’ada.

Wasaarada warfaafinta ayaa ugu dambeeyn ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo faafinta wararka been abuurka ah ee lagu bartilmaameedsanayo hay’ada NISA, waxaana qeeybaha bulshada iyo xarumaha warbaahinta aay ku boorisay inaay inaaysan adeegsan warar aan cadeeyn.

Shalay ayaa ahaayd markii warbahinta Kenya aay daabacday wararka laxariira NISA iyo Al-shabaab, waxaana taasi aay keentay in warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada la’isla dhexmaro walaaca ku aadan xariirkaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*