Latest News

Dr Gaboose Oo Ka Hadlay Haliska Coronavirus, Bulshadana Somaliland Uga Digay

Hargeysa, April 6, 2020 (Haatuf) – Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan Soomaalida ayaa ka hadlay halista cudurka caalamka saameeyey ee Coronavirus, waxaanu tilmaamay in cudurkani aanu u kala eegin adduunka mid cad iyo mid madow, Mid Muslim ah iyo Mid aan ahayn toona, balse uu si isku mid ah ugu wada dhacayo.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Sidaad ka warhaysaan caalamkii xaaladd aad iyo aad u adag ayuu galay, waxa kale oo uu saameeyey oo istaagay dhamaan qaababkii nololeed ee jiray haday yihiin kuwo bulsho, kuwo dhaqaale iyo haday yihiin kuwo siyaasadeed, nooc wal haday yihiin.

Dunidii way kala xidhan tahay, gaadiid baan socon, Diyaaradaan socon, Tareeno ayaan socon, magaalooyinka iyo wadooyinkii adduunku waa cidla.

Dadkii inay istaabtaan ayay ka baqeen, salaaantii ayaa lala kala cararay, neefsigii baa lala kala cararay, qolalkii baa lagu kala jiraa. Masiibada intaa leeg may dhaafin cidbaa cad iyo cidbaa madow, cidbaa indha yar, cidbaa Muslim ah, cidbaan Muslim ahayn, bani’aadamka oo dhan ayay ku wada habsatay. Masiibadaasi waxay ka tagi doontaa cawaaqib xumo adag oo dhan walba ah oo bani’aadamka saameeya.

Fakarkii iyo horumarkii uu haystayna dib su’aalo farabadan la iskaga waydiin doono, qaab nololeedkii il-baxnimadu ay dhalisay ee ahaa magaalooyin waaweyn iyo mujtamac aad iskugu dhaw, waxay noqotay in hubkii ay noqoto xanuunkan sidii uu ku faafi lahaa, xataa iska dhaafe madaxweyneyaashii dalalka ayuu ku dhacay, walaa taajir baanu dhaafayn,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gaboose.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*