Latest News

Ehelada Dadka Dilkoodii Loo Aanaynayo Fahad Yaasiin Oo Dacwad U Gudbinaya Maxkamad Caalami Ah

Muqdisho,April 9,2022 (Haatufonline)-Fahad Yaasiin oo ah Agaasimihihi hore ee hayadda Somalia u qaabilsan nabadsugida iyo basaasnimada ee loo yaqaano Nisa ayaa la filay in dacwad ka dhan ah oo ku saabsan dilal isaga loo aanaynayo loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga Ah Ee Dambiyada. Dacwaddan oo waqtigan xaadirka ah ay diyaarinteedi gacanta ku hayaan qareenno caalamiya ahi ayaa waxa soo oogay qaar ka mid ah ehelada dad lagu dilay caasimadda Somalia ee Muqdisho mudadi uu Fahad Yaasiin hayey xilka agaasimaha Nisa. Dadka la dilay ee aanadooda loo tirinayo Fahad Yaasiin ee ugu caansan waxa ka mid ah Guddoomiyihi horee Gobolka Banaadir Injineer Yarriisow,Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd Nisa,Xildhibaan Aamina Cabdi iyo Suxufi Cabdicasiis Afrika.

Connect with us on Facebook