Latest News

Eritrea Oo U Yeedhay Ciidamadeeda Kaydka Si Uga Qayb Qaataan Dagaalka Gobolka Tigray

Asmara, September 16, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya dalka Eritrea ayaa sheegaya in loo yeeshay ciidamada kaydka ee dalkaasi si loo geeyo xadka Eritrea ay la wadaagto Ethiopia gaar ahaana gobolka Tigrayga, sida ay ku warantay BBC-du.

Talaabadan ay qaaday Eritrea ayaa ku soo beegmaysa xili uu sii kululaaday dagaalka u dhexeeya ciidamada dawlada Ethiopia iyo kuwa Tigrayga.

Ciidamadan Kaydka ah ee Eritrea u yeedhay ayaa la sheegay in loo qaadayo xadka wixii da’doodu ka yartahay 55 jir.

Eritrea ayaa dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia ka caawinaysa dagaalka ay kula jirto gobolka Tigrayga, kaas oo bilaabmay dabayaaqadii sanadkii 2020-kii oo ay ku nafwaayeen kumanaan qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*