Latest News

Ethiopia Oo Bilawday Buuxinta Biyo-xidheenka Xiisadu Ka Taagan Tahay

Addis Ababa, July 15, 2020 (Haatuf) – Dawladda Ethiopia ayaa shaacisay inay bilawday buuxinta Biyo-xidheenkeeda Abaay (GERD), Sida uu warbaahinta caalamka u xaqiijiyay wasiirka waraabka ee dalka Ethiopia, maanta oo Arbaca ah.

Dhismaha biyo-xidheenkan dalka Ethiopia oo xiisad xoogle kala dhex dhigay Masar Iyo Ethiopia, ayaa wada hadalo Salaasadii ay saddexda dal ee Masar, Sudan iyo Ethiopia ay yeelan lahaayeen oo ku saabsan aanu ka soo bixin wax heshiis ah.

Biyo-xidheenka dalka Ethiopia oo ay ku baxday dhismihiisa $4 billion ayaa la filayaa inuu soo saaro Koronto ama Laydh awoodiisu dhan tahay 6,450 megawatts.

Warbaahinta Carabta ayaa baahiyay sawirro muujinaya saamaynta uu biyo-xidheenka Ethiopia, ku yeelan karo dhul beereedka Sudan Iyo Masar, balse dawladda Ethiopia ayaa ku celcelisa in buuxinta dhaamku aanay waxba yeeli doonin heerka biyaha wabiga Nile.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*