Latest News

Fahad Yaasiin Oo Murashax Cusub Oon La Shaacin Wata Iyo Sababta

Muqdisho,February 27,2021(Haatufonline)-Madaxa hayadda basaasnimada ee Somalia Fahad Yaasiin ayaa nin cusub usoo cumaamaday inu noqdo murashaxiisa u tartamaya jagada madaxweynaha Somalia kadib markii uu arkay in madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Farmaajo haysan fursad dib loogu soo doorto jagada madaxweynaha.

Ninka uu wato Fahad Yaasiin waxa la yidhaahdaa Jibril Cabdule,waxaanu ahaan Jiray guddoomiyaha hayad cilmi baadhiseed oo ka shaqeyn jirtay arimaha nabadda Somalia oo la Oldham jiray Centre for Research & Dialogue(CRD).Dadka ka hoos shaqeyn jiray Jibriil waxa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku jilibyihiin.

Fahad Yaasiin ayaa sabab u ahaa doorashadii Xasan Sh Maxamuud iyo tii Maxamad Cabdillaahi Farmaajaba iyadoo uu lacag uga Keenay dawladda Qadar taasoo u suurtogalisay Xasan Sheekh iyo Farmaajo inay lacagta Qadar ku iibsadaan footkii ay ku soo baxeen.

Farmaajo ayaa cadho cirka maray markii uu ogaaday in Fahad Yaasiin ka guuray oo uu dhisayo nin kale waxaana xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyey labada nin inkastoo uu Fahad Yaasiin isku day inuu Farmaajo ku qanciyo in loo baahanyahay musharax-suge kayd ah oo hadii Farmaajo wax waayo ay labadooduba taageeraan oo hadhawna iyagu gacanta ku qabaan.

Jibril Cabdule wuxu muddo bil-ku-dhawaad ah deganyahay hotel aad loo ilaaliyo oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*