Latest News

Fahad Yaasiin Oo Qalqaalinaya Inuu Dhinaca Itoobiya Kasoo Galo Somalia Kadib Marka Caawa Lagu Celiyo Turkiga

Istanbuul,September 17, 2021(Haatufonline)- Waxa la filaya in caawa dalka Turkiga lagu celiyo Fahad Yaasiin agaasimihi Nisa ee dhawaan xilka laga qaaday oo ku jiray rakaabkii saarnaa duulimaadkii Turkish Airline ee maanta ku xanibnaa madaarka Djibouti.
Balse siday ilo xogogaaloo ku dhaw dhaw masuuliin ka tirsan Villa Somalia sheegeen Fahad Yaasiin waxa ka go’an inuu si degdeg ah ugu laabto Somalia waxaanu qalqaalinaya inuu kasoo galo dhinaca Itoobiya kadib marka Turkiga lagu celiyo.
Fahad Yaasiin ayaa sida la sheegay isticmaala baasabooro dalal kala duwan oo uu ku dhoofo.

Connect with us on Facebook