Latest News

Fahamka Guulaha Waawayn Ee Somaliland Uga Soo Kordhay Safarki Maraykanka

Hargeysa,March 19 2022(Haatufonline)-Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muse Biixi ee booqashada ugu maqan dalka Maraykanka ayaa waxa safarkiisii ka dhashay guulo waaweyn oo waxtar balaadhan u yeelan doona Jamhuuriyadda Somaliland xag diblomaasiyadeed,siyaasadeed,dhaqaale iyo amniba.

Mudadi uu wafdigu ku sugnaa Caasimadda Maraykanka ee Washington waxay wada hadalo iyo wada-xaajood taxane ah oo noocoodu hore u dhicin ay la yeesheen masuuliin sar sare oo ka tirsan labada aqal ee Congresska iyo laamaha kala duwan ee xukuumadda madaxweyne Joe Biden waxaanay labada dhinac ee Somaliland iyo Maraykanku kulamadaasi ka dib isla qaateen in si qoto dheer loo balaadhiyo iskaashiga labada dhinac ee ku aadan arimaha ay wada danaynayaan kuwaasoo ay ka mid yihiin nabadgelyada biyaha badda,la dagaalanka argagixisada,ganacsiga iyo ilaalinta dagaanka.

Dhinaca Congress-ka (baarlamanka) waxay wafdiga madaxweyne Biixi kala kulmeen taageero weyn oo ay u hayaan Somaliland waxaanay markiiba ay dareenkooda u gudbiyeen maamulka Biden iyadoo xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiilada oo iskugu jira xubno ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo xisbiga Dimuqraadiga oo uu hogaaminayo xild Michael McCaul oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay warqad u qoreen wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken taasoo ay ku faraayaan inay laga maarmaan tahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo macaamilka Somaliland maa daama ay tahay dal ku yaalla goob halbowle ah oo si joogto ah ugu dhaqma dimuqraadiyadda,kaalinna ka geysta ka hortagga argagixisada,sugidda amaanka gobolka,lehna fursado dhaqaale isla markaana saaxiib la ah dalka Taiwan.
Wafdiga Somaliland waxa uu dhawr maalmood oo isku xiga gaalabaxayey daarta Capitol Hill ee xarunta u ah labada aqal ee Congresska halkaas oo ay kulamo dhaadheer kula yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada ugu mudakarsan ee labada aqal ee kasoo kala jeeda labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo inta badan aan arimaha lasoo hordhigo ku heshiinin.

Dhinaca Guriga Cad (White House) ee dalka Maraykanka looga taliyo ayaa laftiisuna ka dareen celiyey joogitaanka wafdiga Somaliland waxaanay usoo direen masuuliin ay ka mid ahaayeen Dana Banks oo ka mid ah gacanyareyaasha Biden,Molly Phee oo ah kaaliyaha wasiirka Khaarajiga u qaabilsan arimaha Afrika,Ilan Goldenberg oo ah ku xigeenka kaaliyaha wasiirka Difaaca u qaabilsan arimaha amaanka ee caalamiga ah,Ambassador Andrew Young oo ka tirsan Taliska Ciidanka Maraykanka u qaabilsan Afrika iyo Maura Barry oo ka tirsan hayadda USAID.
Hadaba waxa maanta horyaala Aqalka Senate-ka xeer haysta taageerada xildhibaanada labada xisbi oo jidaynaya in xukuumadda Maraykanku hirgaliso iskaashi qooto dheer oo laba geesood ah oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.Xeerkan qabyada ah waxa ku saxeexan xildhibaano ay horkacayaan Senatorka ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Jim Risch oo ah gudoomiye ku xigeenka gudida xidhiidhka dibadda ee aqalka sare ee Senate-ka iyo Senator-ka ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Chris Van Hollen .Xeerkani waxa uu wasiirka Khaarajiga ee Maraykanka faraya inuu sanadwalba warbixin iyo qiimayn ka diyaariyo arimaha hoos ku qoran oo uu Congresska usoo gudbiyo:

– Taageerada Maraykanku siiyo Somaliland.
-Adeega qunsiliyadeed ee la siiyo dadka Maraykanka ah ee deggan Somaliland
-Dibu eegista talooyinka kusaabsan safarka ee la siiyo muwaadiniinta Maraykanka ah ee raba inay booqdaan Somaliland ama ka ganacsadaan

Waxa kale oo uu xeerku si gaar a u faraya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda Khaarajiga inay soo diyaariyaan daraasad ku saabsan iskaashi laba geesood ah oo dhinaca ammaanka ah( security) oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland oo la xidhiidha arimo ay ka midyihiin:
– Furasdo ay Maraykanku tababaro ku siiyaan ciidamada ammaanka ee Somaliland
-In Hargeysa laga aasaaso oo laga furo Mac-hadka Maraykanka ee Somaliland kaasoo marin u noqon doona xidhiidh toos ah oo ay xukuumadda Maraykanka iyo Somaliland wada yeeshaan oo la mid ah qaabka ay hadda Maraykanka iyo Taiwan u wada xidhiidhaan.

Hadaba marka arimaahaas wafdiga usoo qasoomay oo dhan dib loo milicsado sadarada dhexdoodana la daalacdo waxa aan shaki ku jirin inay guulahan Somaliland usoo hoyday ay gogol xaadh u yihiin talaabada xigta ee soo socota oo ah mid Somaliland loogu diyaarinayo aqoonsi buuxa.

Connect with us on Facebook