Latest News

Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Hoose Ee Congress-ka Oo Isna Soo Jeediyey Xeer Ah In USA Aqoonsato Somaliland

Washington,March 21,2022(Haatufonline)-Xildhibaanka aqalka hoose ee baarlamanka Maraykanka(Congress) Scott Perry ayaa soo bandhigay xeer qabyo ah oo xukuumadda Maraykanka faraya inay aqoonsi buuxa siiso Jamhuuriyadda Somaliland.
Scott Perry oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa si rasmi ah usoo hordhigay xeerkan aqalka wakiilada(House of Representatives).Xeerkan ayaa dawladda Maraykanka ku waajibinaya inay ictiraafto dawladda Somaliland.
Waxay aheyd horaanti todobaadkan marki uu xildhibaanka aqalka sare ee Senate-ka Senator Jim Risch ee kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga iyo Senator
Chris Van Hollen oo kasoo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ay aqalka sare soo dhigeen xeerka Somaliland Partnership Act ee dawladda Maraykanka faraya inay iskaashi laba geesood ah oo balaadhan la yeelato dawladda Somaliland.

Connect with us on Facebook