Latest News

Farmaajo Oo Guddi U Saaray Baadhitaanka Kiiska Ikraan Iyo Hooyada Dhashay Ikraan Oo Ku Gacan Saydhay

Muqdisho, September 13, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi baadhitaan ku sameeynaya kiiska dilka ah ee Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Sirdoonka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ku xigeena uu ka yahay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.
Magacaabista guddigan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaaneysa xili isla kiiskan uu guddiga baadhitaanka u magaacabay ay isaga iyo Raysal wasaarahiisa isku khilaafeen, lamana oga waxa xiligaan kusoo dhaliyay in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo guddidan sameynaya baadhitaanka qaran ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hase yeeshee Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan-seyrtay guddiga uu caawa Farmaajo u magacaabay baaritaanka kiiska gabadheeda, iyadoo sheegtay in kiiskaas ay baaritaankiisa u daba fadhiyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Kuma qanacsanin, mana aqbali doonno guddiga uu  madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamadda ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacwadda kiiska gabadheyda,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Waxay sheegtay in hadii Farmaajo uu sii wado is hortaaga baaritaanka kiiska gabadheeda ay u qaadanayaan in isagu uu bixiyey amarka lagu afduubtay Ikraan.

“Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo, waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farmaajo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay hooyo Qaali.

Maama Qaali oo sii hadleysay ayaa tiri, “Farmaajo kiiska gabadheyda Ilaahey waa uga baqi waayey, gabadhiisa camal waa uga baqi waayey, inuu madaxweyne u yahay waa uga baqi waayey, laf dhuun gashay ayuu Farmaajo nagu noqday, waxaan Ilaahey SWT uga baryaa inuu gurigiisa, golihiisa iyo caruurtiisa inuu ka arko.”

Sidoo kale Qaali Maxamuud Guhaad ayaa digniin u dirtay laba xildhibaan oo la kala yiraahdo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda Ikraan.

“Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, midna Fahad ayuu qaraabo la yahay midna Madaxweynaha, umadda Soomaaliyeedey arka in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Ugu dambeyntii Maamada ayaa sheegtay inay ku kalsoonyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo cadaaladda kiiskaas ay isaga ka sugayaan, “Umadda Soomaaliyeed oo markii horaba i garab taagneed, waxaan leeyahay arka gardarada Farmaajo iyo labadaas nin ay igu hayaan.”

Connect with us on Facebook