Latest News

Farmaajo Oo Ka Hadlay Ciidamadii Somalia Loogu Tababarayey Eritrea

Muqdisho, May 23, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ciidankii Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Waxaanu xusay in tiradoodu ay gaadhayso illaa 5,000 askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse waxa uu sheegay in ay dib u dhigeen doorashada darteed.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda.

Si kastaba, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliya ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda.

Connect with us on Facebook