Latest News

Madaxii Qaraxyada Al-shabaab Oo Hawlgal Lagu Qabtay

Marka, May 23, 2022 (Haatufonline) – Ururka 14aad ee guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Magaalada Marka ku soo qabteen Madaxii Qaraxyada ururka Al-shabaab, Aweys Mayow Maxamed (Eelaay).

Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa hoggaaminayey hawlgalka lagu soo qabtay Aweys Mayow.

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta Somalia u sheegay in hoyga ninkaasi laga soo helay bambada nooca gacanta laga tuuro iyo miinada dhulka lagu aaso ah.

Shabaabka ayaan ka hadlin Sarkaalka la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa ee lagu qabtay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Connect with us on Facebook