Latest News

Farmaajo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Sheekha Argagixisada Ah Ee Daahir Aweys U Adeegsaday Siyaasi Mucaarid Ku Ah.

Muqdisho, December 7, 2019 (Haatufonline )- Waxa isa soo taraysa eedaynta ku waajahan madaxweynaha Somalia Farmaajo inuu Sheekha faafiya fikirka argagixisnimada Daahir Aweys ku dhiirigaliyey inuu soo saaro fatwadi uu dilka ku xukumay siyaasiga mucaaridka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib marki uu siyaasigu todobaadki hore ka hadlay tacdiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee loo geysto dumarka ku nool dalka Somalia.Daahir Aweys ayaa ku dooday in hadalka Cabdishakuur ku liddi ahaa tacaaliinta diinta Islaamka sidaas darteedna uu siyaasigu mutaystay in qudha laga jaro taasoo ay xukuumada Farmaajo Sheekha ku taageertay.Hasayeeshee mawqifka xukuumada Somalia ee ay kula safatay fikirka nin argagixiso ah ayaa waxay haatan dhaleeceyn farobadani kaga imanaysaa qaybo balaadhan oo ka mid ah bulshada Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*