Latest News

Farmaajo Oo Miciinsaday Warbaahinta Itoobiya Kadib Markii Ay Warbaahinta Dalkiisu Xayiraad Saartay Digreetooyinkiisa

Addisababa,September 16,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa bilaabay inuu adeegsado warbaahinta dalka Itoobiya si ay ugu baahiso wararkiisa kadib markii ay warbaahinta dawladda ee dalka Somalia ay joojisay inay sii dayso wareegtooyinka uu soo saaro.
Wararka Farmaajo ayaa u badan wareegtooyin uu ku carqaladaynayo raiisalwasaarahii uu isagu magacaabay Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay madaxda dawlad goboleedyada iyo beesha caalamku u igmadeen inuu dalka gaadhsiiyo doorasho baarlamaan iyo mid madaxweyne.
Farmaajo ayaa si ba’an uga soo horjeedsaday baadhitaan u amray Rooble in lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil oo ah gabadh ka tirsanayd hayadda nabadsugidda Somalia(Nisa) oo
la afduubay 26/6/2021 balse aan ilaa hadda raq iyo ruux toona aan midna la haynin iyadoo kiiskan loo aanaynayo agaasimihii horee Nisa Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale oo ka hoos shaqeyn jiray .
Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa waxay soo daabacday wareegto uu Farmaajo shalay soo saaray oo u ku sheegay inuu hoos u dhimay awoodihii raiisalwasaaraha oo u ka joojiyey inuu cid xilaal u magacaabi karo ama ka xayuubin karo.

Connect with us on Facebook