Latest News

Fayras Cusub Oo Neef-mareenada Saamaynaya Oo Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

Beijing, (Haatuf) – Fayras cusub ayaa ka dilaacay dalka shiinaha Shiinaha, kaas oo durtaba laga helay dad tiradoodu gaadhayso 136 qof, xaaladahan cusub ee Fayraska ayaa saamayn ku yeelanaya habka neef-mareenka. Magaalada caasimada ah ee Beijing ayaa lagu soo waramayaa in laga helay laba kiis, halka Shenzhen la xaqiijiyey hal kiis.

Tirada guud ee uu haleelay Fayraska cudurkani ayaa hadda kor u dhaaftaysa 200, saddex qofna way u dhinteen.

Xaaladahan kacsan ee Fayraskan ayaa ku soo beegmaya xilli malaayiin Shiinees ah isu diyaarinayaan inay u safraan ciidaha sannadka cusub.

Saraakiisha caafimaadku waxay caddeeyeen Fayraskan, kaasoo markii ugu horreeyay laga soo saaray Wuhan bishii December, isagoo ah nooc ka mid ah corona-virus. Waxay sheegeen inuu asiibayo inuu bukoodo habka neefmareenadu, laakiin wax badan oo ku saabsan illaa iyo hadda lama oga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*