Latest News

Galmudug: Kaalintii Shicibka Oo Door Weyn Ka Ciyaartay Dagaalada Lagaga Adkaaday #Alshabaa Iyo Dariska Ku Dayashada Mudan Ee Laga Bartay

Dhuusamareeb,July30,2021(Haatufonline)-Waxa muuqata in dadweynaha ku dhaqan dawlad goboleedka Galmudug gaar ahaan gobolka koonfurta Mudug ay kaalin muhiim ah ku lahaayeen guulaha laga gaadhay dagaaladii socday mudada bisha ka badan ee lagu qaaday xoogaga ururka Alshabaab oo fadhiisimo ku lahaa qaar ka mid ah deegaanada Galmudug.

Dagaalada aanu soo sheegnay ayaa waxay inta badan ka dhacayeen koonfurta Mudug iyadoo ciidamada Alshabaab laga sifeeyey jiidahi ay deganaayeen ee ay dadka ku dhibi jireen marka laga reebo magaalada xeebta ku taala ee Xarardheere .Hadaba inkastoo ciidamada Galmudug iyo ciidanka gaarka ah ee #Danab ay ka qaybqaadanayeen dagaaladan haddana hawlgaladani waxay kaga duwanaayeen kuwii hore ee lagu qaadi jiray Alshabaab in doorkan shicib iyo dawlad,madax iyo mijo midna aan loo kala hadhin waxaanay taasi sababtay in guulo wax-ku-ool ah laga soo hooyo oo deegaano balaadhan laga xoreeyo ciidamada argagixisada.

Dhinaca kale ciidamada dawladda iyo shicibka ee wada socday waxa ka dhashay in qaar ka mid ah askarta iyo saraakiisha Alshabaab isa soo dhiibaan waxaana u dambeeyey laba ka mid ah taliyeyaasha ciidankooda oo la kala yiraahdo Maxamad Nuur Barre iyo Mawliid Cumar Faarax(eeg sawirka).

Hadaba duruusta laga baran karo natiijooyinka kasoo baxay hawlgalada kor ku xusani ee gobolada kale kaga dayan karaan waxa weeyee in guushu ay hubaal tahay markastoo ciidamada  dawladda iyo shicibka oo taakulaynayaa ay la dagaalmaan ciidamada argagixisada.

Connect with us on Facebook